Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo qabsaday deegaan kale iyo ciidanka dowlada oo weli gadoosan

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa saakay waaberigii hore waxaa ay si nabad ah kula wareegeen tuulada Xawaadleey ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe u jirta 20km halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Balcad.

Dadka deegaanka ayaa waxay  sheegeen in Al-shabaab ay dhowr jiho ka soo galeen deegaanka,waxaana halkaasi isaga baxay Ciidamadii ka tirsanaa dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa.

Markii ay Al-Shabaab gudaha u galeen Xawaadley waxaa gudaha  Tuulada laga maqlayey Rasaas goos goos ah oo ay is dhaafsadeen Ciidamadii Dowladda ee halkaas isaga baxay iyo Al-Shabaab inkastoo aan lasoo sheegin khasaaro ka dhashay.

Guddoomiyaha deegaanka Xawaadley Cabdulle Macaan Adeer ayaa sheegay in Shabaab ay deegaanka mudo saacado ah ku sugnaayeen,isla markaana ay dib ugu laabteen.

Waxaana uu hadalkiisa intaasi ku daray in wax dagaal ah aysan ka dhicin deegaanka Xawaadley,waxaana uu sheegay in Mas’uuliyiinta Maamulka ay sicaadi ah u joogeen tuulada Xawaadla oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan Milletriga Soomaaliya kasoo baxeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo mushaar la’aan ka cabanayay, hayeeshee waxaan jirin deegaano si rasmai ah ay Al-Shabaab ula wareegeen.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Al-shabaab xili habeen ah ay qabsadeen qeybo kamid ah degmada Balcad,hayeeshee markii dambe ay dib uga baxeen.

Ciidamada Dowladdad Soomaaliya ayaa ku mashquulsan gadood ku saabsan mushaaraadka waxayna isaga soo baxeyn deegaano badan oo hadda halis ugu jiro inay la wareegaan Kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this