Sign in to follow this  
Deeq A.

Been sheeg oo Hadaba been sheeg oo ku celceli ilaa Iyo inta dadku rumaysanaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa laga soo weriyay ra iisal wasaarihii ingiriiska churchil :(( runtu waa mid qaali ah , sidaa awgeed waa inaynu ku ilaalinaa ciidan xoog badan oo hareeraha kaga xeernaa oo been badan huwinaa )) . hadalkaa waxa lamid ah , kii uu ku celcelin jiray wasiirkii barobagaandada (warfaafinta) ee hitler << been sheeg oo hadana been sheeg ilaa iyo inta ay dadku beentaada rumaysanayaan >>
Hadaba iminka waxaad la mooddaa in siyaasiyiintu dhaqankaa qaadatay (been sheeg) oo ay shicibka doonayaan inay beenta run uga dhigaan (riyo beena ku seexiyaan ) .
Siyaasiyiinta ssomaliland na waxay doonayaan inay dadka ku qanciyaan beentaa ay sheegayaan , runna uga dhigaan .
Siyaasaduna caynkaa maaha ay khaladka ay ka fahmeen ee siyaasaddu waxa weeye wax qabad iyo adeeg bulsho .
Siyaasaddu maaha in been shacabka lagu hogaamiyo ,siyaasaddu maaha in biriijyo beena oo aan tiirar lahayn la dhiso , waxaad arkaysaa qaar sheegaaya been aan raad iyo sal toonna lahayn , waxaad ka cadhoonaysaa marka aad aragto qaar beentii ay sheegayeen rumaystay oo marka lagu soo qabto , isaga oo qawlalada ka xunbaynaaya warbaahinta inta uu isa soo hortaago , difaacaaya weliba beentiisii oo hadalo iska wada daba imanaaya ku hadlaayo . markaasaa waxad isway diinaysaa : waar qofkanu miyaanu is maqlayn isagaaba is kashifaayee .
Waxaynu aragnay siyaasi ( mas uul ) musuq maasuq lagu xidhay oo maxkamaddu denbigii ku heshay oo la xidhay oo hadana layska soo daayay …
Waxaynu kaloo aragnay mid kale oo denbi lagu hayo oo layska soo daayay . tolow hadaba macaaladdaa bugta ? maxuumadahaa caykan ah ? ma dawlad nimadaa sidan ah ? xaggay wax si ka yihiin ? xaggay wax ka khaldan yihiin ? waa maxay sida tani ? siyaasaddu ma been wax ku maamul baa ? ma been sheeg baa ?
Siyaasiyiintu dhib wayn bay shicibka ku hayaan – musuqmaasuq – niyad jebin – kala ee xasho – qabyaalad – kala qaybin – sharci ku tumasho – awooddii oo ay ku adeeganayaan – cashuur toodii oo ay urur sanayaan – caddaalad darro – faqri – rajo xumo .
Hadaba beenta iyo qori is maris nimadu weligeed socon mayso , taakhdana dib u raaca .
Codkii laydi n ku doortay ayaa laydin ku ridi doonaa ee ogaada .
wixii laydin ku aaminay ee laydiin dhiibtay na , waa laydin kala xisaab tami doonaa …. taana ogaada …
Beenta aad sheegay saanna ma rumay sanayno TAANA OGAADA . waanu idn baranay … eeb TAANA OGAADA …
WABI AL LAAHI ALTAWFIIQ
CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this