Deeq A. Posted March 25, 2019 Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan looga hadlayay amniga oo xalay lagu qabtay degmada Wardhiigley ee G/Banaadir.. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta degmadaasi iyo guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed Tuulax. Intii uu socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee degmada Wardhiigley. Sidoo kale kulanka kadib guddoomiye Tuulax ayaa kormeer indho indheyn ah ku sameeyay xaafado ka tirsan degmadaasi. Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa xalay howlgallo ka sameeyay halkaasi, kuwaas oo lagu xaqiijinayay amniga. Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro oo ay haataan ku socdaan baaritaano xoogan. Muddooyinkii la soo dhaafay maamulka gobolka Banaadir ayaa waday kulamo lagu dardar galinayo sugida amniga magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites