Deeq A. Posted March 25, 2019 Ceerigaabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa ku warramaya in biyo la’aan baahsan ay ka jirto gobolkaasi. Biyo la’aantan ayaa la sheegay in saamey xoogan ay ku yeelatay dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. Xildhibaano ka tirsan Somaliland oo ka hadlay dhibaatooyinkan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi in uu ka gaabiyay adeegyada dhanka bulshada ee gobolka Sanaag. Xaaladda nololeed ee haatan ka jirta gobolkan ayaa maaalmihii dambe ka dareysay, mana jirto wax gurmad ah oo ay heleen dadkaasi tabaaleysan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites