Deeq A. Posted March 25, 2019 Muqdisho (Caasimada Online)-Dhawaqa qarax xoogan ayaa laga maqlay xaafadaha degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay xaafadda NBC, waxaana lagu waramayaa in qaraxa gaari uu haleelay. Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmeen labo ruux. Waxaa kale oo qaraxa ku dhaawacmay shaqaale ka shaqeynayay maqaayad u dhow halka uu qaraxa ka dhacay, sida dadka goobjoogayaasha ah ay sheegeen. Faahfaahino kale oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu haleeyay gaari ay leedahay Jaamacadda SIMAD, waxaana ku dhaawacmay darawalkii gaariga iyo ruux kale oo la socday. Masuuliyiinta maamulka SIMAD ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan waxyeelada soo gaartay gaariga shaqaalahooda la socda. La soco waxii kusoo kordhaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites