Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo labo arin u sababeeyay amniga darada Muqdisho (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Madaale oo la hadlayay warbaahinta ayaa dhaliilay isku dhex yaac badan oo ka dhex jira Hay’adaha amaanka, kaasi oo keenay in xaaladda amaan ee Muqdisho sii xumaato.

Guddoomiye Madaale, ayaa xusay in ciidamada amaanka ay sameynayaan dadaal badan, shacabka ay ku dhib qabaan xernaanshaha wadooyinka magaalada, hadana ay wali dhacayaan qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ee Al Shabaab.

Wuxuu soo hadal qaaday waxyaabaha sababta u ah amni darada magaalada Muqdisho kusoo badatay maalmihii ugu dambeeyay, wuxuuna sheegay inay ugu horeyso dowladda Soomaaliya oo ka gaabisay inay weerarto Al Shabaab.

Taasi ayuu sheegay inay dhalisay in Al Shabaab ay culeeska soo saaraan magaalada Muqdisho, maadaama dowladda aysan weerarin xarumaha Al Shabaab kaso abaabulaan qaraxyada labadii sano ee lasoo dhaafay.

“Runtii amnidarrada magaalda waxaa sabab u ah dowladda ayaa ka gaabisay weerarada Al-Shabaab,marka iyadaa weerar lagu soo yahay culeyskana shabaab Muqdisho ayay soo saareen,laakin waxa ay u baahan tahay in cadawga meesha uu joogo loogu tago oo lagula dagaalamo” ayuu yiri Yuusuf Maxamed.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in labo sano kadib la filayay in amaanka uu ka wanaagsanaado halka uu joogo balse aysan dhicin, waxaana uu sheegay in Shabaab deegaanadii horay looga qabsaday ay dib ugu soo laabanayaa,isla markaana ay dhiiragelin badan heleen.

Hoos ka dhageyso codka Guddoomiye Madaale

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Gudoomiyii-hore-ee-Magaalada-muqdisho-Yuusuf-Xuseen-Jimcaale.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this