Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalada Ammaanka Dalka Afghanistan Oo Wer-wer Laga Muujinaayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kapul) Saraakiisah dalka Afghanistan ayaa sheegaya in tobanaan qof oo ka tirsanaa laamaha amaanka lagu dilay weeraro kooxda Daliban ay ku qaadeen gobolka koonfureed ee Helmand ee dalkaasi.

A5D6CBD0-2A5E-4787-8A34-76C13A956C62-102

Dadka ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa sheegay in weerarkani uu ahaa mid ka mid ah weerarada culus ee kooxdu maalmihii lasoo dhaafay fulineysay.

Ururka Daalibaan ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa gacanta ku haya inta badan tuulooyinka ku yaala gobolka koonfureed ee Helmand.

Weerarka ayay kooxdu ku qaaday saldhiga milatari ee Sangin halkaasi oo ay Daliban ay gacanta ku heyso tuulooyinka dhaca bartamaha gobolka.

Weerarkaan ayaa kusoo beegamaya maalin kaddib markii weeraro isxigxigay oo loo adeegsaday bambooyin lagu qaaday caasimada gobolka Helmand.

Dhanka kale magaalada Kunduz ee gobolka waqooyi ayaa saraakiisha xukuumadda Afghanistan waxa ay sheegayeeen in ku dhawaad 60 dagaalyahannada Daalibaan ah ay ku dileen duqeymo cirka ah.

Duqeymahaasi ayaa waxaa ku dhintay qoys ka koobna 14 qof oo ay jireen sagaal caruur ah kuwaasi oo halkaasi ku dhintay.

Ururka Daalibaan oo haaatan wadahadalo nabadeed la leh Mareykanka, ayaanan si rasmi ah u shaacinin weerada ay sanadkan qaadayaan balse weeraradan haatan ayaa u muuqanaya kuwa la mid ah kuwii ururuku fulin jiray.

Daalibaan ayaa ilaa iyo haatan diidan inay wadahadallo toos ah la gasho saraakiisha Afghanistan, kuwaas oo ay u aragto inay yihiin dabadhilif.

Waxa ay sheegeen in wadahadal ay dowladda la bilaabi karaan oo kaliya markii waqti loo qabto oo la isku raaco taariikhda ka bixitaanka ciidammada Mareykanka ee Afghanistan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this