Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafka Gacanka Carbeed iyo Is-bedelka Geeska Afrika: Doorkee ayay ka ciyaari kartaa Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Hordhac

Tan iyo markii Abiy Axmed bishii April ee 2018 uu noqday Raysal Wasaaraha cusub ee Itoobiya kadib kacdoon shacab oo ku qasbay raysal wasaarihii ka horeeyey inuu kursiga u baneeyo si lama filaan ah, dhaq-dhaqaaqyo aan hore loo arag oo uu horsdeed u yahay Abiy Axmed ayaa bilaabmay. Waxa heshiiyay dawlado hore colaad lagu hoobtay u dhex-tiil, waxaana furmay dood ku saabsan is-kaashi iyo is-dhexgalka dalalaka Geeska Afrika oo ah gobol ka mid ah kuwa ugu xasaradda iyo degonaan la’aanta badan dunida oo dhan.Waxa dhinac socota saamayn muuqata oo khilaafka ka dhex jira dalalka Gacanka Carbeed uu ku yeeshay gobolka Geeska Afrika. Muranka xooggan ee ka dhexeeya is-bahaysiga Sucuudiga iyo Qadar wuuxu sida daadka u soo galay siyaasadda gudaha ee dalalka Geeska Afrika. Gacanka Carbeed iyo Geeska Afrika waa laba gobol oo juqiraafi ahaan isku dhow, taariikh ahaanna xidhiidh qoto dheeri ka dhexeeyo.

A5A18792-D440-4C4F-AC7A-9C914C26F1D8.jpe


Somaliland waxaay ka siisay magaalada istiraajiga ah ee Berbera saldhig ciidan dalka Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, shirkadda DP world ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxay maamushaa dekedda Berbera. Jibuuti iyo Imaaraadku waxay isku maan dhaafeen deked ay maamuli jirtay DP World. Somalia waxaay la safan tahay Qadar iyada oo muujisay diidmadeeda ay kaga soo horjeedo hawlaha Imaaraadku ka wado Somaliland.

Somaliland gudeheeda xisbiga mucaaradka u wayn ee Waddani iyo dad kaleba waxay ka soo horjeedaan saldhigga iyo dekedda uu maamulo Imaraadku. Waxaana muuqato in murankaaasi yeeshay weji siyaasad daakhili ah.

Madaxwaynaha Somaliland wuxuu la kulmay raysal wasaaraha Itoobiya oo ay ka wada haldeen sidii loo soo celin lahaa wada xaajoodkii Somaliland iyo Somalia iyo arimo kale oo labada dhinac ka dhexeeya. Waxa todobaadkii hore booqasho aan hore loo sii shaacin ku yimi Somaliland wasiirka arimaha debedda ee Eritriya. Isla todobaadkaas waxa joogay Muqdisho madaxwynaha Jibuuti oo ay si wayn isku hayaan Eritriya. Dooxa, caasimadda Qadar, waxa booqasho ku joogay todobadkaas raysal wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre.

Mawduuca kulankaXarunta Daraasaadka Siyaaddu waxay ku martiqaaday Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland (2015-2017) iyo wasiirka duulista madaniga ah (2010-2015) kulanka Kasmo-wadaag si uu uga hadlo sida ay Somaliland ula jaan qaadi karto is-bedelka xoogga leh ee wejiyada badan ee ka socda gobolka iyo saamaynta ay ku yeelan karaan dadaalka ay Somaliland ugu jirto aqoonsi raadinta, amaanka, dhaqaalaha iyo dimoqraadiyadda. Wuxuu ka mid ahaa madaxdii Somaliland uga qaybgashay wada hadalada dhalay in Imaaraadka lagu wareejiyo saldhigga iyo dekedda Berbera isaga oo ahaa wasiir xudun u ah dawladdi Madaxwayne Axmed Siilaanyo. Sidoo kale Maxamuud Xaashi wuxuu ahaa xubinta Somaliland dhawr goor u meteshay shirar dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya oo ku saabsan maamulka hawada.Ka soo qayb-galayaashu waxaay fursad u heli doonaan inay aragtidooda dhiibtaan iyo inay waydiimo khuseeya mawduuca u jeediyaan Maxamuud Xaashi Cabdi.

Waa kuma Maxamuud Xaashi Cabdi (bio)

Maxamuud Xaashi Cabdi waa mayarkii ugu horeeyey ee magaalada Burco kadib dib u xorayntii Somaliland sanadkii 1991. Wuxuuna ahaa maayarka magaaladda markii Burco marti gelisay shirkii lagaga dhawaaqay dib-ula soo noqoshadii madax-banaanida. Wuxuu ka mid ahaa jabhadii SNM. Wuxuu mudo dheer ka ahaa xubin Golaha Wakiilada Somaliland isaga oo ka mid ahaa asaasayaashii xisbiga Kulmiye oo dawladiisii u horaysay ee xilka qabatay 2010 uu ka noqday wasiirka duulista madaniga ah (2010-2015) iyo wasiirka madaxtooyada (2015-2017). Hadda wuxuu ka mid yahay hogaamiyayaasha xisbiga Kulmiye ee talada haya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this