Deeq A. Posted March 24, 2019 Nairobi (SMN) – Dhul-xuran ayaa caawa laga dareemay qaybo badan oo kamid ah wadanka Kenya, gaar ahaan inta u dhaxeysa magaalooyinka Nairobi iyo Mambasa. Sidda ay sheegtay hay’addaha saadaasha, cabirka dhul-gariirka ayaa gaaraya 5.6, waana midkii ugu cuslaa ee ka dhaca dalkaasi. Ma jirto khasaaro nafeed iyo mid maaliyadeed oo illaa iyo haatan lasoo wariyay in ay geysatay musiibadaasi rabaaniga ah. Cabdalla Muumin, oo ah wariye madax banaan oo ku nool Nairobi, oo u waramay Shabelle ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo dareenka shacabka. Hoos riix si aad u dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Wareysi-Dhul-Giriir-Wariye-Cabdalla-Muumin-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites