Deeq A. Posted March 24, 2019 Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in caawa dhul gariir uu ku dhuftay magaalooyin ku yaala dalkaasi. Dhul gariirka ayaa waxaa laga dareemay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa. Sidoo kale dhul gariirka ayaa ku dhuftay tuulooyin ku yaala dalkaasi sida Kiambu, Machakos, Nyeri iyo Makueni. Waxaa goordhow dhulgariirkaasi hadashay waaxda saadaasha hawada ee Kenya. Waaxda Saadaasha Hawada ayaa sheegtay in dhul gariirkii caawa la dareemay uu cabiirkiisu dhammaa 4.8 oo ah qiyaasta cabbirka richter-ka. Wararkii u dambeeyay ee aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in laga cabsi qabo in dhul gariirkaan uu ku sii fido deegaanada xeebta ah ee dalka Kenya. Wali lama soo warin qasaare nafeed oo ilaa iyo iminka ka dhashay dhul gariirkaasi. Puntland Post The post Dhul Gariir caawa ku dhuftay Kenya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites