Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo caddeysay in horumarkeeda aysan joojin karin Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho waxaa shalay ka dhacay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadday xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya oo dad badan ay ku dhinteen.

Halka meel uu dhib ka taagnaa magaalada, dhinaca kale waxaa ka socday arrimo lagu farxo. Waxaa magaalada ku sugnaa dalxiisayaaal u dhashay dalka Shiinaha oo magaalada u yimid inay arkaan oo ay waqti wacan ku qaataan.

Waxay booqdeen xeebaha caasimadda dalka sida Xeebta Liido iyo Jaziira, sidoo kale waxay booqdeen meelo kala duwan oo oo taariikh mug weyn ku leh dalka.

Waa astaan kale oo muujineysa sida weerarada iyo qaraxyada Al-Shabaab aysan marnaba u hor-istaagi karin niyad wanaagga, adkeysiga, geesinimada iyo soo kabashada shacabka ku nool caasimadda.

Al-Shabaab mar walba ujeedkeeda waa hal mid, waana inay muujiso in magaalada aysan amini ahyan, wax horumar ahna uusan ka jirin. Waxaa taas caddeyn u ah in inta badan weerarada ay magaalada ka fuliso aysan dowladda shaqo ku lahayn balse lala beegsado shacabka.

Geesinimada dadka Muqdisho ee saacado kadib marka uu qarax burburiyo dhismooyin dad badanna laayo ay durba meydadkooda ku aastaan, dhismihiina dib uga dhisaan iyo imaanshaha dalxiisayaashan, waa farriin Al-Shabaab u tageysa oo madaxa xanuujineysa.

Tani macanheedi maaha in magaalada nabad tahay. Waa qasab in hoggaanka dowladda ay wax ka qabtaan amniga magaalada, waa xaqiiq in badankood ay gabeen mas’uuliyadooda, oo sidan xaaladdu kusii socon karin. Hase yeeshee, shacabka Muqdisho waa geesiyaal iyo dad karti leh.

Al-Shabaab waxay isku dayaysaa in magaalada laga kala cararo, oo ay joojiso horumarkeeda, shacabkuna waa diidan yihiin. Waxaa labada dhinac u socda tartan u muuqda in Shabaab mar ay ahaataba looga guuleysan doono.

Muqdisho, marnaba ma quusan doonto, Muqdisho marnaba uma joogsan doonto Shabaab iyo wax la mid ah. Muqdisho weli waa jiri doontaa.

WhatsApp-Image-2019-03-24-at-11.18.25-AM WhatsApp-Image-2019-03-24-at-11.18.26-AM WhatsApp-Image-2019-03-24-at-11.18.26-AM WhatsApp-Image-2019-03-24-at-11.18.27-AM

W/Q: Yuusuf Axmed Gacal
Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this