Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee dhul gariir caawa ka dhacay magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhul gariir fudud uu  caawa ka dhacay magaalada Nairobi iyo qeybo kale oo ka mid ah Kenya.

Qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Nairobi ayaa lagu waramayaa in dhul Gariirka laga dareemay, waxaana cabsi xogan ay soo wajahday shacabka ku nool magaalada Nairobi.

Waaxda Saadaasha hawada ee dalka Kenya ayaa shaacisay gordhow in dhul gariirka ku dhuftay Kenya gaar ahaan Nairobi uu cabirkiisa gaarayo 4.8 oo ah qiyaasta cabirka dhul gariirka.

Dadka ku sugan Mombasa, Malindi, Kilifi, Lamu, Diana iyo deegaanada saaran Xeebta waxaa lagu wargeliyay inay ka fogaadaan agagaarka badda, ayna u baxaan meelaha dhulka joogiisu sareeyo, sidaasi waxaa sheegay Waaxda Saadaasha Kenya.

Sidoo kale waxaa laga baqayaa in dhul gariiska uu saameeyo qeybo kamid ah Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ku dherersan badweynta India.

Soomaali badan oo ku sugan xaafadda Islii ayaa cabsi dareemay iyadoo bannaanada u soo baxay kana degay daaraha waaweyn markii dhulgariirka la dareemay.

Goobaha sida weyn looga dareemay dhul gariirka Caawa ayaa ah Lavington oo Nairobi ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this