Deeq A. Posted March 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii shalay ee lagu qaaday dhismo ay degan yihiin wasaarado. War qoraal ah oo lasoo dhigay barta uu xafiiska ku leeyahay Twitter-ka ayaa sidoo kale tacsi loogu diray ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi oo ku jiro wasiir. Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ayaa sidoo kale ahaa mudan ka tirsan Gollaha Shacabka. Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa sidoo kale balanqaaday in ay sii wadayso taageerada ay siiso dowlada ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ugu yaraan 15 ruux oo kamid yahay wasiirka ayaa ku dhimatay weerarka lagu qaaday dhismaha ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada, Howlaha Guud iyo taliska booliska gobolka Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites