Deeq A. Posted March 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Rabat ee caasimada dalka Morocco. Wasiir Cawad iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Rabat, waxaana booqasho rasmi ah oo qaadan doonta laba maalmood ay uga bilaabatay dalka Morocco. Inta lagu guda jiro booqashadiisa dalka dhaca woqooyiga Africa ee Morocco, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo xasaasi ah la qaato mas’uuliyiinta ugu sareysa dalkaasi. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Morocco Nasser Bourita ayaa sheegay in labada dal ay kawada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya iyo sidii sare loogu qaadi lahaa danaha ay wadaagaan wadamada Morocco iyo Soomaaliya. Dhawaan ayey aheyd markii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay shir looga hadlayay Islaam naceybka oo ay soo qaban qaabiyeen wadamada xubinta ka ah Ururuka Iskaashiga Islaam-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites