Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Garaad oo jawaab kulul siiyey dadka ciidamada gadooday ku qeexay ‘kuwa qabiil’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caaismada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa jawaab kulul u diray dadka qabiileynaya ciidamada dowladda Soomaaliya ee mushaharka uu ka maqan yahay.

Taageerayaasha madaxweynaha ayaa dhowaan billaabay in ciidamada gadooday, oo badankood ku sugan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ku sheegaan ciidan qabiil oo dowladda aan u diiwaan gashneyn.

Yuusuf Garaad oo arrintan ka jawaabaya ayaa jawaab kulul soo dhigay bartiisa facebook. Hoose ka aqriso qoraalka.

Shakhsiyaadka ujeeddada gurracan ee isku dayaya in ay qabiileeyaan gadoodka xubnaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed qaarkood ee dalbaya mushaarkeedu, ha ka dhowrsadeen kala fogeynta Soomaalida.

Haddii aad mas’uul tahay, caddee in askariga gadoodsani uu mushaar iyo saanad qaatay.

Haddii kale, caddee in muwaaddinkan doodayaa aanuu ahayn askari dowladeed.

Labadaa su’aalood ayaa meesha yaalla ee laguma weydiin askarigu qabiilka uu yahay.

“Qofkii dabayl abuurtaa wuxuu gurtaa duufaan” waa Maahmaah Faransiis ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this