Deeq A. Posted March 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa maanta M/ Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay Marxuum Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya. Waxaa aaska ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, saraakiil ciidan, ehellada Marxuumka iyo dad shacab ah. Marxuumka ayaa waxaa lagu aasay Qabuuro ku yaalla isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Wasiirada cadaalada, Gaashaandhigga, iyo Boostada oo la hadlay Shabelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid wasiirkaasi. Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid ahaa dadkii shalay ku dhintay weerarkii xooganaa ee lagu qaadayadhismo way wada daganaayen wasaarada shaqada iyo arrimaha iyo tan howlaha guud oo ku yaalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir View the full article Share this post Link to post Share on other sites