Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga iyo Qatar oo ka hadlay Weerarkii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (SMN) – Dowladda turkiga ayaa si xoogan u cambaareysay weeraradii qaraxyadaa ahaa ee shalay ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in ay si weyn ugu xun yihiin weerarada qaraxyada loo adeegsaday ee lagu qaaday dhismaha wasaaradda shaqada iyo tan howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaan ka tacsiyeyneynaa dadkii shalay lagu dilay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana eebbe ugu baryeynaa in naxariistii Jano uu ka waraabiyo intii ku dhimatay weerarkaasi”waxaa sidaa yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa sheegtay in mar walba ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo xustay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya

Dhinaca kale dalka Qatar ayaa cambaareeyay weerarkii qaraxyadaa ah ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan toban ruux, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Qatar ayaa weerarkaasi ku tilmaantay mid arxan darro ah, islamarkaan lagu waxyeelaynayo ammaanka Soomaaliya.

Qaraxyadii shalay ka dhacayM/ Muqdish ayaa waxaa masuuliyaddiisa Al Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this