Deeq A. Posted March 24, 2019 Marooko (SMN) – Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqsho rasmi ah ku tagay dalka Marooko,Booqashadan oo qaadan doonta muddo laba maalmood ah waxaa wasiir Cawad ku wehlinaya xubno diblomaasiyiin ah oo heerkoodu sareeyo, Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya mudada ay joogaan dalka Marooko,waxay wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaan masuuliyiinta dalkaasi. Wasiirka arimaha dibadda ee Marooko Nasser Bourita wuxuu dhankiisa sheegay in labada dal ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka laba dal ee soo jireenka aha iyo qaabkii loo sii horumarin lahaa,dhidibadana loogu aasi lahaa iskaashi dhinacyo badan leh oo u adeeggaya danaha labada dal ee walaalaha ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites