Sign in to follow this  
Deeq A.

Biixi: Dunida badankeeda waxa ay garwaaqsatay in loo kala baxo Soomaaliya iyo Somaliland (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi ayaa sheegay in Caalamka intiisa badan ay garwaaqsadeyn in la joogo waqtigii loo kala bixi lahaa Soomaaliya iyo Somaliland.

Biixi ayaa hadalkaan Maanta ka sheegay khudbadiisa sanadlaha ah ee uu ka hor jeediyey Kulankii Wakiilada Maamulkaas uu ku yeeshay Magaalada Hargeysa.

Biixi ayaa khudbadiisa kaga hadlay arrimaha Siyaasada, horumarada iyo waxyaabaha u qabsoomay, wuxuuna aad ugu dheeraaday wada hadaladad u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Maamulkiisa.

Muuse ayaa sheegay inay dhawr jeer lasoo xiriireen Dowladaha Switzerland iyo Swedan si ay uga wada hadlaan khilaafka waqtiga badan soo qaatay ee  u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Soomaaliland, wuxuuna sheegay inay arrintaas aqbaleyn.

“Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wada- hadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha” ayuu yiri Muuse Biixi oo u muuqday inuu doonayo qancinta Golaha Wakiilada oo dhagta u taagayey wada hadalada labada dhinac

” Siyaasaddaasi nabadeed ee aynu qaadanay waxay keentay in wufuud caalami ah oo badani innoo yimaadaan oo arrintaa ku hawlani. Sidoo kale, aynu martiqaadyo ka helnay dawladaha aynu saaxiibka nahay” ayuu sii raaciyey.

Hadalka Muuse Biixi uu Maanta ka hor jeediyey Golaha Wakiilada ayaa kusoo aadayo xilli uu Muuse Biixi dhawaan sheegay inay labada dhinac wada hadal yeelan doonaan si arrimaha taagan looga heshiiyo, balse wuxuu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inaysan diyaar u aheyn in miiska wadahadalka la fadhiisto.

Si kastaba waxaa dhowr mar uu fashil ku yimid wadahadalo la doonayay in ay dhex maraan Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland, hayeeshee dhawaan la rajeynayo inay wadahadaladaas qabsoomaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u ballan qaaday inay dowladiisa la fadhiisan doonto Maamulka Somaliland isla markaasna wax kasta lagu dhameyn doono wadahadal iyadoo aan marnaba laga gudbeyn midnimada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this