Sign in to follow this  
Deeq A.

24 saac kadib weerarkii Al-Shabaab, xubno maanta laga helay dhismooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Barqadii maanta ayaa hilbo iyo xubno bani-aadam oo hor leh laga helay goobihii shalay ay weerarka arxan-darrada ka fuliyeen Al-Shabaab ee xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u sheegayn qaar kamid ah dadkii halkaasi tagay.

Gacmo bini-aadam, hilbo iyo qaybo kale oo xubnaha bani-aadam ah ayaa laga helay dhismooyin ku bur-buray weerarkii Al-Shabaab ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, sidoo kale xubnaha qaar ayaa laga helay xaafado ka agdhow goobtii la wareeray.

Qaraxyadii iyo dagaalkii tooska ahaa ee shalay lagu qaaday dhismooyinka Wasaaradaha Howlaha Guud iyo dib u dhiska iyo Wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada ayaa waxaa ku dhintay 15 qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 25 qof, sida ay xaqiijiyeen hey’adaha caafimaadka.

Dadka dhintay ayaa u badnaa shacab oo isugu jiray shaqaale Dowladeed iyo dadweyne marayay wadada weerarka ka dhacay. Sidoo kale dadka ku dhintay waxaa ku jira Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya iyo Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this