Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur ” Farmaajo ayaa qaatay go’aanka codeynta qaraarkii Golan Heights

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay Faadumo C/llaahi Maxamuud (Faadumo Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva.

Warqad uu qoray Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa loogu yeeray Safiiradda in muddo todobaad gudahood dalka ku soo gasho.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Safiiradda ay ka aamustay go’aankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights.

Lama oga in go’aanka Safiirada uga aamustay qaraarkaas in lala ogaa iyo in kale, ha yeeshee waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay ka carootay in Safiirada ka aamusto go’aankaas.

Balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Siyaasi ka hadlo arrimaha SIyaasadda dalka ayaa sheegay inaysan dhici karin in Safiir uu qaato go’aan Caalami ah.

“Ma jiro safiir go’aan qadiyad caalami ah ka qaadan kara iyada/ isaga oo aan la tashan Madaxda sare ee dalka. Waa la ogyahay cida go’aanka qaadatay iyo cida ku cadaadisay intaba” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo qoraal kusoo qoray Facebookiisa.

” Madaxweynuhu waa in uu si geesinimo leh masuuliyada u qaadato oo uu san Safiirka madaxfurasho ka dhigan, wasaaraduna warqado shacabka ku jahwareerin” ayuu sii raaciyey.

” Safiiradu waa in ay cadayso in go’aanku amar dawlad ahaa ee aysan aqbalin in maalmo Muqdisho la keeno, ka dibna shaqadeeda lagu celiyo, iyaduna eeda qaadato” ayuu kusoo daray.

Cabdiraxmaan ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu horey uga aamusay  go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel

” Sidan oo kale ayuu Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyey Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiya in uu ka aamuso go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel. Hadii uu Madaxweynuhu ku qanacsan yahay in ay aamusnaanta go’aanadan dani ku jirto, ha yeesho geesinimo uu masuuliyada go’aanka ku qaato. Laakiin ma dhici karto, laga soo bilaabo dhiibistii Qalbidhagax in la yiraahdo Madaxweynuhu ma ogayn”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this