Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Ka Socday Jaalliyadda Soomaalida Ee Ku Nool Mareykanka Oo Codsaday In Faahfaahin Laga Siiyo Dilka Nin Soomaali Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Portland)-Xubno ka socday Jaalliyadda Soomaalida ku nool magaalada Portland ee Gobalka Oregon waxay u sheegeen Hoggaamiyayaasha magaaladaasi inay aad uga walaacsan yihiin inaysan wax jawaab ah ka helin Wiil Soomaali ah oo 22-jir, kaasi oo toddobaadkii hore la dilay.

Portland%E2%80%99s-Muslim-community-750x

40-xubnood oo ka socotay Soomaalida ku nool magaalada Portland oo ah magaalada 26-aad ee ugu weyn dalkaasi waxay la kulmeen Taliyaha Boliskai yo Maayarka magaalladaasi iyo Mas’uuliyiin kale, waxayna ka codsadeen in faahfaahin laga siiyo halka uu marayo Baaritaanka Boliska ee dilka Marxuumkaasi oo la oran jirey Isxaaq Muuse.

Xubno u hadlay Guddiga Jaalliyadda waxat sheegeen inay ka cabsi qabaan inay toogashadaasi ahayd Fal Cunsuriyad ah oo ka dhan ah Nin Muslim oo madow.

Dhinaca kale, Marxuumka oo ahaa Arday ka qalin jebiyey Dugsi Sare ayaa waxaa saacadihii hore ee bishan March 16-dii lagu toogtay Guri ku yaalla Xaafadda Riverton.

Boliska wax dad ah uma soo qabanin toogashadaasi, wax faahfaahin kama bixinin Toogashadaasi, iyadoo su’aalaha weli taagan ka mid yihiin qofkii rasasata ka riday qorigi ilagu dilay Marxuumkaasi..

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this