Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Maamulka Puntland Ku Eedeeyay Inay Ciidammo Falal Amni Darro Ah Wada Soo Geliyeen Gudaha Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in maamul gobolleedka Puntland uu ciidamo falal amni darro wada ay soo geliyeen gudaha Somaliland.

54729184_1315753991901190_91682667045039

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa ka digay arrimahaasi. waxaanu sheegay in haddii ay Puntland ka waartoobi waydo tallaabooyinka noocaas ah ay jawaab adag ka heli doonaan ciidammada qaranka Somaliland.

“Waxa maalmahan danbe soo kordhaya ciidamo somaliya–maamul goboleedkeeda puntland ah oo ka soo gudbaya xadka inoo dhexeeya falal amni daro ahna ka samaynaya gudaha somaliland
Maamulka somaliya waxanu ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan wixii xasiloonida iyo nabadgelyada gobolka Geeska wax yeelaya

Waxaanu ka digaynaa hadii waanadayada la weelayn waayo in dawlada somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabada iyo hantida muwaadiniinta jamhuuriyada somaliland” madaxweyne Biixi” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this