Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyeyaasha G/banaadir oo isbedal lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) -Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay isbdedal ku sameeyay qaar ka mid ah taliyeyaasha saldhigyada degmooyinka G/Banaadir.

Xubnaha la magacaabay oo u badan dhalinyaro ayaa ah saraakiishii nabad sugida ee lagu biiriyay ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Maxamed Jeego oo hore u ahaa Taliye Kuxigeenkii Nabadsugida G/Banaadir, waxaa hada loo magacaabay Taliye Ku Xigeenka Booliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir.

Cabdi Fitaax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan, waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeen looga dhigay  Shuceyb Abdi.

Yaasiin Nur Khayre, waxaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka qeybta bartamaha.

Bashiir Cabdi SIyaad, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga booliska  degmada Hodan.

Najiib Carab, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Boondheere.

Liibaan Shidane, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada Kaaraan.

Xuseen Cadceed oo si KMG-ah u hayay xilka Taliyaha Saldhiga Warta-Nabada tan iyo markii la dilay Taliyihii hore macalin Daahir, ayaa Caawa si rasmi ah xilkaasi loogu magacaabay.

Ismaaciil Muuse Yuusuf, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska Dharkiinley.

Axmed Taree, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada Kaxda

Axmed Khadar, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada  Xamar weyne.

Maxamed C/qaadir, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada  Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay gabar lagu magacaabo Taliso Abtidoon.

Lama oga illaa iyo hadda ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa isbedalkan cusub ee lagu sameeyay talisyada degmooyinka gobolka Banaadir.

Balse tallaabadan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Muqdisho uu ka dhacay weerar lagu qaaday xarun ay dagan yihiin wasaaradda shaqada iyo tan howlaha guud ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this