Deeq A. Posted March 24, 2019 Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu xiray wasiirkii warfaafinta ee maamulkaasi. Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo eedaymo musuq maasuq oo loo haysto. Wasiirka ayqa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu ka soo muuqdo maxkamada Hargeysa. Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliland ayaa baaritaano ku bilaabay wasiirada maamulkaasi oo ku aadan musuq maasuq iyo wax isdaba marin. Wasiir Guribarwaaqo ayaa si ku meel gaar ah xilkii wasaarada warfaafinta ugu wareejiyey wasiir ku xigeenkiisa Maxamed Muuse Abees. Puntland Post The post Wasiirka warfaafinta Soomaaliland oo hargeysa lagu xiray appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites