Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ciidamada dowladda oo sii daayay SARKAAL sare oo Al-Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar ayaa sii daayey sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab kaas oo laga qabtay magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Sarkaalka la sii daayay ayaa la sheegay in sii deysmadiisa ay ka dambeeyeen oo ay fududeeyeen 5 Askari oo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar oo Marka ku sugan.

Dood ka dhalatay arintaan ayaa shalay iyo maanta ka taagan degmadaasi, waxaana jimcihii mar ka dhacay dagaal gudaha kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga.

Saraakiil katirsan Guutada 14-ka Octoober ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay uu marka gaaray Taliyaha Guutada 14-ka Octoober, waxaana la soo xiray 5 Askari oo la aaminsan yahay in ay sii daayeen Sarkaalkaasi Shabaabka ah, sidoo kalane ay ka dambeeyeen dilka 2 ka mid ah Ciidamada Guutada 14-ka October oo ku dhintay isku dhacyo halkaasi ka dhacay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta ay ciidamada usii daayeen sarkaalka. Hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacda in askarta dowladda ay lacag dhaafsadaan arrimahan oo kale, ama ay kusii daayaan hab qabiil.

Caasimada Online
Xafiiska Marka
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this