Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia oo deg deg ugu yeedhay safiirkeeda Geneva ka dib Fadeexad soo wajahday  

Recommended Posts

Deeq A.   

Somalia oo deg deg ugu yeedhay safiirkeeda Geneva ka dib Fadeexad soo wajahday

 insaniya-300x198.jpg

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muddo todobaad ku amartay inay dalka ku soo gasho Faadumo C/llaahi Maxamuud Insaniya oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva.

Qoraal ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray, waxayna wararku sheegayaan inay arrintan ka danbeysay kadib markii ay gashay khalad taariikh ah oo ceeb ku ah diblomaasiyadda Soomaaliya.

Safiirka ayaa ka aamustay qaraar lagu cambaareeyey haysashada Israel ee dhulka Golan Heights ee Suuriya, kaasi oo ay ku qabsatay Dagaalkii Lixda Maalmood ee sanaddii 1967-kii, iyadoo go’aankaasi ay taageereen dalalka Reer Yurub.

Waxaa hadda soo baxday warar sheegaya in go’aankaas uu ku gaar ahaa safiiradda oo aysan dowladda la ogeyn

Codeynta qaraarka ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Golan Heights uu u aqoonsanayo dhul Israel. Israel ayaa dhulka ku darsatay dhulalka badan ee ay ka haysato Bariga Dhexe sanadii 1981-kii

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid noqotay shan dal oo ka aamusay, kuwaas oo kala ah; Cameroon, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Fiji, Rwanda iyo Somalia.

Dad badan ayaa filayey in maadaama Soomaaliya ay tahay dal Islaam ah ay taageerto qaraarka, hase yeeshee si la mid ah dalalka Carbeed ee sanadihii dhowaa ka hadhay qadiyadda Falastiin iyo Bariga, Soomaaliya ayaa u muuqata inay wadaddaas martay.

Akhriso Amarka loogu yeedhay Safiiradda

yuhuud.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this