Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Safiina: BIIXI waa caqabadda hor-taagan waxqabadka xukuumadiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghayaha Arrimaha carabta iyo dowladaha islaamka ee xisbiga Waddani Axmed Safiina ayaa ka hadlay caqabadaha hortaagan waxqabadka wasiirada Somaliland, isagoo farta ku fiiqay in Madaxweyne Muuse Biixi yahay caqabada ugu weyn ee hor-taagan wax-qabadka laga filayey xukuumada.
“Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Xildiid anigoo ixtiraam u haya shakhsiyadaada gaarka ah ileen madaxwayne ayaad noo tahaye, hadana waxa aan odhan karaa intii madaxwayne dalka soo martay waxa aad tahay madaxwaynihii u maamul ka liitay una cadaalad xumaa.
Shantii sano ee dalka laguu dhaariyay sanad iyo badh way tagtay, sanadka u dambeeyaa waa olole, labada sano ee kuu hadhay marka jimcayaasha laga reebo waa iska bilo kooban.
Wasiirada iyo masuuliyiinta xukuumadaada xakamaha aad kuhayso ka sii dalka ha u shaqeeyaane, bulshada dalka iyo shacabka maqal oo hagaaji kolay dhawaan adoo cod doonaya waad hor imane.
Ugu dambayn waari mayside war hakaa hadho.” ayuu ku yidhi qoraal uu soo saaray Xoghaye Axmed Safiina.
Si kastaba, Madaxweyne Biixi ayaa waxa lagu eedeeya inta badan inuu wasiiradiisa fara-gelin ba’an ku hayo wasaaradahooga, kuna noqday caqabad ka hortaagan hirgelinta wax-qabadka laga sugayo xukuumadiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this