Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND: Dalka kama qabsoomeyso doorasho

Recommended Posts

Deeq A.   
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa waxay kulan la yeeshen Golaha guurtida Somaliland, kuwaasi oo ugudbiyay Cabasho xaga wada-shaqeyn la’aanta ah oo ay ka tirsanayeen Golayaasha qaranka, Axsaabta qaranka iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuwasi oo ka gaabiyey sidii loo dar-dar gelin lahaa doorashada.
Markii uu soo idlaaday kulankan ayaa waxa warbaahinta ugu horeyntii la hadlay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay inay si fiican isku fahmeen Golaha oo ay ugudbiyeen xogta halka ay marinayaan arrimaha doorashoyinka, waxa kale oo uu sheegay inay isku af-garteen in doorashado dhacdo xiligey mudeeyen.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu kulankaasi gar-wadeen ka ahaa  ayaa waxa uu sheegay inay Guddiga Doorashooyinku usheegen inaysan dhaceyn doorashadu wakhtigii loo asteeyay, waxa uuna yidhi: “Waxay soo kordhiyeen oo aan aheyn Doorashadii qabsoomi meyso majirin, eediina waxay saareen Labada Golle iyo Axsaabta iyo Madaxweynaha, Waxna wey ka jiraan”.
Geesta kale, Xildhibaan Maxamuud M.Yaasiin Dheeg oo katirsan mudanayaasha Gollaha Guurtida Somaliland ayaa waxa uu isagna ka dhawaajiyey in la gaadhay wakhtigii Guddiga Doorashooyinka is casili lahaayen, maadama oo ay cadeeyen inaysan dalka ka qabsoomeyn doorasho.
Isku soo wada-duubo Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa iyagu weli kusii adkeysanaya inay doorashadu qabsoomeyso, iyaga oo gollahana u gudbiyey inaysan qabsoomeyn doorashu ilaa ay ka heshiiyan Axsaabta qaranku, kuwaasi oo isku fahmi la’ hanaanka loo galayo doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this