Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarkii shalay DF ma ku qasbi doonaa inay bixiso mushaharka ciidamada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaraxyada iyo weerarada shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxay runtii maalin kale oo laga filan karay kooxda al-Shabaab inay kusoo qaado xarumaha dowladda u tahay jawaab si cad loogu sheegay sida liidata oo ay ku gabay sugidda amniga.

Caasimadda Online ayaa maalin kahor baahisay halis ay tilmaamayeen khubarada amniga inay kusoo foolan tahay shacabka ku nool gobalka Banadir.

Hadalkoodii u muuqday tibaax aan la tix-raaci Karin wuxuu ugu danbeyntii kusoo dhammaaday sidii la filayay. Al-Shabaab ayaa wax u muuqday farriin hor leh oo la xiriirta dayacsanaanta laamaha amniga kusoo dirtay weeraradii shalay.

Weerarada iyo qaraxyada ay maalin gudaheed ka fuliyaan al-Shabaab, majirin maalin lamid ah shalay oo kale sidii ay iskugu soo aadiyeen qorshahooda. Saadaashii ay bixinayeen khubaradu – oo ilaa xad aan gaarsiinin inay iftiimiyaan awoodda kooxdani u leedahay inay dharaar qura shan qaraxyo iyo weerar iskugu jira ay ka geysan karaan xarumaha dowladda amaba ay la bartilmaameedsan karaan shaqaalaheeda.

Tirada dhaawacyada iyo dadkii ku dhintay weerarkii shalay, wuxuu caddeyn u yahay inaan la isku haleyn Karin ballamaha qaawan iyo qorshe xumida liidata ee lagu wajahayo sugidda amniga, sida uu yiri Goodir Ali oo ah geyfane naqdiya waxa loogu yeero argagaxisada.

Goodir oo dhacdooyinkan si hoose ula socday ayaa dowladda ku tilmaamay mid u diyaarsan kaliya bixinta jawaabo ku siman canbaareyn iyo caga-jugleyn. “Waxa kaliya ee laga dhowri karay ayaa ah inaysan lumin awoodda ciidamadii ay shalay u bilowday mushaharka,” ayuu yiri. “Taasina hadda jawaabteeda waxay ka heshay bixin la’aanta xuquuqda ciidamada qaranka oo waa kaa maaro loo la’yahay sugidda amniga.”

Faallada Goodir ayaa daba socta kaddib weeraro iyo qaraxyo kala duwan oo shalay ruxay caasimadda kuwaas oo in badan lala bartilmaameedsaday xarumaha dowladda iyo shaqaalaheeda.

Mowduuca ku saabsan xuquuqda ciidamada gadooday oo aan sidii loo baahnaa looga jawaab celin, hadda maku filan tahay dowladdu inay kaalintooda halgan ee sugidda amniga ay si dhab ah u qiimeyso marba haddii dharaar cad ay dhacayaan qaraxyo iyo weeraro u abaabulan sidii loo qorsheeyey?!

Waa su’aal jawaab celinteedu aanay kaliya ku dhalan Karin in codbaahiyaha lala horyimaado dhaliil iyo balan-furyo cad, balse si dhab ah u saameynaysa shacabka caasimadda kuwaas oo daryanka madfac iyo hugunka qaraxyada ku waayaya naf iyo maal; nolol iyo xasilooni.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this