Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyayaal cusub oo loo magacaabay saldhigyada booliska MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa caawa isbedel ku sameysay Taliyayaasha Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo qaar kamid ah xilalkii laga qaaday, halka kuwana la isku beelay.

Arrintan waxa ay timid saacado kooban kadib weerarkii Shabaab ee degmada Shangaani, halakas oo ay ku qabsadeen dhismaha Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya, waloow markii dnabe laga saaray.

Halkan Ka Aqriso Taliyayaasha Cusub:

Maxamed Jeego oo hore u ahaa Taliye Kuxigeenkii Nabadsugida gobolka Banaadir, waxaa hada loo magacaabay Taliye Ku Xigeenka Booliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir.

Cabdi Fitaax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan, waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeen looga dhigay  Shuceyb Abdi.

Yaasiin Nur Khayre, waxaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka qeybta bartamaha .

Bashiir Cabdi SIyaad, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga booliska  degmada Hodan.

Najiib Carab, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Boondheere.

Liibaan Shidane, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada Kaaraan.

Xuseen Cadceed oo si KMG-ah u hayay xilka Taliyaha Saldhiga Warta-Nabada tan iyo markii la dilay Taliyihii hore macalin Daahir, ayaa Caawa si rasmi ah xilkaasi loogu magacaabay.

Ismaaciil Muuse Yuusuf, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska Dharkiinley.

Axmed Taree, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada Kaxda

Axmed Khadar, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada  Xamar weyne.

Maxamed C/qaadir, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada  Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay gabar lagu magacaabo Taliso Abtidoon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this