Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha weerarkii maanta ka dhacay Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa sii batay Khasaaraha ka dhashay Weerarkii ku bilowday Qaraxyada ee lagu qaaday Xarunta Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaaradda  Howlaha Guud.

Sida ay Caasimadda Online u sheegeen Kooxaha Gurmadka deg deg ah Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhinteen Qaraxyadii maanta ka dhacay Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhaawacmay  in ka badan 20 qof sida ay xaqiijiyeen howl-wadeenada  Isbitaalada Magaalad Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa weerarkaas looga dilay Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Saqar Ibraahim isla markaasna ahaa XIldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhintay Shaqaale ka tirsanaxa Wasaaradda la weeraray oo waqtiga ay dhaawacmayeen ku  guda jiray howlahooda shaqo.

Sidoo kale waxaa dadka dhintay ku jiro dad shacab ah, waana tirada ugu badan ee halkaas dhibaatada kasoo gaartay maadaama ay Wasaaradda ku taalo jid si weyn ay u isticmaalaan Shaqaalaha Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Kooxaha ka tirsanaa Al-Shabaab ee Xarunta weeraray ayaa ku labisnaa Dharka Ciidamada Boolisk Soomaaliyeed oo maalmihii dambe lagu wareejiyey Amniga Muqdisho.

Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa soo gaaray Burbur xooggan.

Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya , maamul goboleedyadda iyo qaar ka mid ah dalalka Caalamka ayaa siyaabooyin kala duwan uga hadlay Qaraxyadii Muqdisho.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa hadda ah mid dagan kadib qaraxyadii Shanta ahaa oo ay Maanta marti gelisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this