Sign in to follow this  
Deeq A.

Xagee Shabaab ka galeen dhismayaashii ay maanta weerareen ee Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qaabkii uu u dhacay weerarkii cuslaa ee maanta Al-Shabaab ku qaadeen dhismooyin ay daganaayeen 2 wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay xarunta ka weerareen Al-Baabka ku yaala dhabarka dambe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo ka soo horjeeda xarunta Fisha Taraafika ee degmada Shangaani. Sidoo kale qorrax ka soo bax waxaa ka xiga dhismaha Safaaradii Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho taas oo ay ka guurayn sanadkii hore kadib markii ay isku dhaceen dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Gaadiidka weerarka fuliyay ayaa la sheegay in ay ka yimaadayn dhinaca Xamar-wayne waxayna ku soo jiheesnaayeen qorrax ka soo bax sida ay sheegayn dadkii halkaasi ku sugnaa.

Xarunta ay Al-Shabaab maanta weerarayn afarta gees waxaa kaga yaala baro control oo muhiim u ah dhismooyin badan oo halkaasi ku yaala kuwaas oo kala, Laba bar kontarool oo ku taala wadadada ka timaada Xeebta liido iyo labada kale oo ku yaala dhinaca Fisha Taraafiko iyo Jubba oo ay kala joogaan Booliis iyo Nabad Sugid waxaana la yaab ah sida ay ku soo gudbayn Ciidankaasi.

Dhismiyaasha la weeraray kaliya maahan Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Shaqada iyo Shaqalaaha balse waxaa ku dhaggan Wasaaradda Caafimaadka, Dhismaha Fisha Taraafiko, Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir, Dhismaha Baarlamaanka Aqalka Sare iyo Taliska ugu wayn hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Magaalada Muqdisho maalintii ma jirto wax baaritaan ah oo lagu sameeyo gaadiidka iyo dadweynaha marka laga reebo dhowr meelood oo ah meelo muhiim ah, oo ay ku yeelaan xarumaha DF-ka Soomaaliya.

In Alshabaab ay weeraraan xarumahaan waxay ka dhigantahay in DF-ka dadaalkeeda uu aad u liito, sidoo kalane Al-Shabaab ay u fududahay in ay weeraraan goobaha muhiimka ah ee xarumaha Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this