Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhismaha Ugu Dheer Caalamka Oo La Sudhay Sawirka Raysal Wasaaraha New Zealand

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Dhismaha ugu dheer Caalamka ee Burji Khaliifa ee ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa laga lulay Sawirka Raysal wasaaradda New Zealand, Jakiinda Andren oo laabta ku haysa Haweeney Muslimad oo ku sugnayd Masjidka lagu magacaabo Kilbirmiye oo ku yaalla caasimadda dalka NZ ee Wellington.

DL-659x430.png

Sawirkiisa oo uu qaaday Sawir-qaade lagu magacaabo Hagen Hopkins ayaa waxaa lagu dul qoray Erayga Salaama ee la micno ah Nabad.

Dhismaha Burji Alkhaliifa oo uu ku yaalla magaalladda Dubai, waxa uu dhererkiisu dhan yahay 829 mitir.

Sheekh Maxamed Bin Rashiid Almakhtuum oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Ra’isul-wasaaraha dalka Imaaraadka Carabta, ahna Xaakimka Imaaraadda Dubai waxa uu Ra’isul-wasaaradda dalka NZ, Jakiinda Andren ugu hambalyeeyey taageeradda ay u muujisay Mujtamaca Muslimiinta, kadib, geeridii 50-kii qof ee Muslimiinta ee lagu dilay dalka New Zealand.

Qoraal uu Sheekh Maxamed Bin Rashiid Almakhtuum soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu tilmaamay in Taageeradda Jakiinda Andren ku kasbatay xushmadda Muslimiinta Caalamka oo ay tiradoodu dhan tahay 1.5 Billion oo qof, kadib, weerarkii Argagixiso ee ay ka argagaxeen Muslimiinta Caalamka oo idil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this