Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda maamulada oo ka hadlay qaraxyadii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxda maamul goboleedyadda dalka ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho.

Weerarada oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu beegsaday dhisme ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha Guud.

Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa ku dhimatay dhacdadaasi, oo ay sheegatay in ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Hogaamiyaasha dowladaha xubnaha ka ah xukuumada dhexe ayaa soo kabasho deg deg ah u rajeeyay dadka dhaawaca ah.

Madaxda Qaranka ayaa horey tacsi uga diray dhibayaasha oo uu ku jiro wasiir ku xigeenkii shaqada iyo shaqaalaha, marxuum Saqar Ibraahim Cabdullaahi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this