Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo diyaarisay qorshe cusub oo ka dhan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Kulanka deg degga ah ayaa aad loogu falanqeeyay  tageeradda qorsha uu diyaariyay taliska ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in Shabaab looga saaro deegaanadda kamid ah dalka ee ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulanka ka tilmaamay in aan loo sii dul qaadan karin in kooxaha dagaalka kula jira ay sii dhibaateeyaan dalka ayaa dhammaan ka qayb galayaasha kulanka waxa uu ka dalbaday in dagaalka argagaxisada loo wajaho si wadajir ah laguna gacan siiyo dawladda sidii ay dalka oo dhan uga dhigi lahayd mid nabdoon.

Safiirrada Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Afrika iyo safiir ku-xigeenka Midawga Yurub ee Soomaaliya iyo Taliyaha Hawlgalka AMISOM oo goob joog ka ahaa shirka looga arrinsanahay qorshaha argagaxisada looga saaryo dalka ayaa taageeray in si wadajir ah loo fuliyo qorshaha dawladdu soo bandhigtay ee lagu doonayo in dalka looga sifeeyo argagaxisada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this