Deeq A. Posted March 23, 2019 Ciidanka PSF oo hawlgal kaga wada Calmadow Ciidanka amniga dowladda Puntland ee PSF, ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen 19 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ku sugan buuraleyda gobolka Bari. Qoraal ka soo baxay PSF, ayaa sidoo kale lagu xusay in ay jiraan dhaawacyo badan oo gaaray malayshiyaadka iyo raashin laga gubay, kadib hawlgal qorshaysan oo ciidanku ka fuliyeen degaannada Madarshoon, Karin-xagarood, Mariidle iyo Diindigle ee buuraleyda Calmadow. “Ciidamada #PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxay na Al Shabaab ka dileen intii 19 xubnood , iyaga oo tiro kale oo intaa ka badan oo Al Shabaab ahna dhaawacyo gaarsiiyey,sidoo kalena ciidamada PSF waxay ka gubeen Al Shabaab raashin ay kaga carareen goobihii ciidamadu ku weerareen” ayaa lagu yiri qoraalka. PSF ayaa intaasi raaciyay in ay sii wadayaan, hawlgallada qorshaysan ee lagu ugaarsanayo malayshiyaadka Al-shabaab eek u dhuunta buuraleyda Calmadow. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo Al-shabaab ka dilay 19 xubnood appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites