Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne M/Goboleed oo ku baaqay in Farmaajo iyo Kheyre ay is-casilaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay Khilaafka ka taagan bixinta Mushaarka Ciidamada Dowladda iyo qaraxyadii ugu dambeeyey ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xaaf ayaa madaxda Dowladda oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre ugu baaqay inay isaga dagaan kursiga inta uusan dalka gelin xaalad kasii daran midda hadda sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Galmudug oo uu Khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo Dowladda Dhexe ayaa Ciidamada Dowladda ugu baaqay inay ku laabtaan fariisimihii ay kasoo baxeyn aysana u arkin Farmaajo iyo Kheyre inay kaligood dalka leeyihiin.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Madaxda dalka ay fashilmeen, islamarkaana Ciidanka looga baahan yahay in ay difaacaan dalkooda oo aysan aaminin in Madaxda dalka ay leeyihiin dalka.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin Xaaladda ay ku jiraan Ciidamada Dowladda iyo Xaaladda dalka Soomaaliya oo uu ku sheegay inay tahay mid aan la fiirsan karin.

Hadalka Madaxweyne Xaaf ayaa kusoo aadayo Xilli ay Maanta Magaalada Muqdisho marti u aheyd qaraxyo iyo weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this