Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarkii ay Al-Shabab ay Muqdisho ka fuliyeen oo ahaa mid la filayey (Xog)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmahaan oo dhan magaalada Muqdisho waxaa ka taagnaa cabsida iyo hadal haynta weeraro argagixiso oo Al-Shabaab ka geestaan magaalada Muqdisho, cabsidaas oo sababtay in dadweynaha Muqdisho ay habeenkii xaroodaan waqti hore balse ma jirin feejignaan amni.

Feejignaan dadweyne oo aad u sarreysa ayaa ka jirtay magaalada Muqdisho gaar, ahaan goobaha la isugu yimaado balse waxaa gaabis wayn iyo dadaal la’aan uu ka jiray hey’adaha amaanka ee magaalada Muqdisho.

Ma jirin baaritaano iyo wax dhaq dhaqaaq ah oo ay wadayn Ciidamada amniga maalmihii la soo dhaafay, balse waxaa aad looga hadal haayay cabsida iyo qatarta weeraro ka imaan kara Al-Shabaab.

“Cabsida weeraro ka yimaada Al-Shabaab aad ayey u taagneed maalmahaan balse waxaa ii muuqatay dadaal la’aan iyo feejignaan amni” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

“Wax la sii ogaa ayuu ahaa weerarkaan balse ma jirto dowlad ka hortagta, hey’adaha amniga shacabkii ayaa ka xog ogaalsan” ayuu Caasimada Online u sheegay Sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya oo aan la dhacsaneen sida ay hada u shaqeeyaan Booliiska Soomaaliya.

Waxaa jirtay digniino la soo jeediyay maalmahaan kuwaas oo si toos ah loogu sheegay xarumo dowladeed oo ku yaala Gobalka Banaadir waxaana goobahaasi kamid ah Guriga Hooyooyinka oo ay ku shaqeeyaan Guddiga shaqaalaha rayidka iyo hey’ado kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this