Deeq A. Posted March 23, 2019 In dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku galaan xarumo ay kamid tahay qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir waxay muujinaysa guul darrooyinka amni ee ka jirta magaalada Muqdisho. Si gaar ah, weerarkii maanta waxa uu dhabar jab weyn ku yahay taliyaha booliiska gobolka Banaadir, Saadaq John. Taliyaha qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banadir Saadaq John oo mas’uul ka ah amniga magaalada Muqdisho islamarkaana dhowr jeer sheegay in amaanka ay ku guuleesteen ayaa ugu dambayn maanta la wareeray xaruntiisa shaqada waana talaabo aan la mahdin oo ay wajahayso Dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa u arko guul iyo wax wayn oo u qabsoomay in ay weeraraan xaruntaan waxayna kamid ah tahay meelo ay muhiim u arkaan Al-Shabaab maadaama ay tahay halka Al-Shabaab lagala dagaalamo sida ay qabaan dad badan oo amniga wax ka yaqaana. Baraha bulshada ee kooxdan iyo dadka taageera ayaa laga dareemi karay sida weerarkii maanta uu ugu yahay guul dhanka maskaxda ah. Saadaq John ayaa wajahaya cambaarayn xoog leh waxaana la sheegayaa in weerarkii maanta uu muujinayo in Booliiska ay ku guul dareestayn wax ka qabada amniga Muqdisho. Si gaar ah, weerarkii maanta wuxuu yimid ayada oo maalmahan ay magaalada Muqdisho ka jirtay cabsi ku aadan in magaalada ay kusoo wajahan yihiin weeraro culus, taasi oo booliska siin kartay fursad ay uga hor-tagaan. Waxaan ku baaqayaa in amniga sidan loo dhaaamo, oo dowladda ay la timaado qorshe amni oo sidan ka wanaagsan. W/Q: Cabdijabaar Xuseen Muuse Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites