Sign in to follow this  
Deeq A.

“Hadda Waxa Aan Halkan Ku Hayaa Heshiiskii Aanu La Qoranay Madaxweynihii Hore (Siilaanyo) Ee Weliba KULMIYE Ahaa, Yaa Loo Raacayaa Fulintiisii…” Cali Khaliif Galaydh

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Khaliif Galaydh, ayaa waxa uu ku taliyay inay muhiim tahay in la qaybsado dheefta dalka, “Salka Somaliland waa qabiilo, arrintaas qabiilku waa sal, hadday Somaliland burburtana ama yoolkay leedahay gaadhi weydo waxa ugu weyn ee ay ku burburi doontaa waa qabyaalad, wixii ina soo maray ee shalay ahaana waynu ognahay, dhibaatada ugu weyn ee imika Cabdiqaadir ka waramayayna waxay ka dhex dhacday beesha dhexe, haddana waa wax dhici kara, haddii bahasha la isku badh badhxo anigaa rababa in xuduudka Somaliland la difaaco, laakiin inay noqoto anagaa ka tashanay iyo anagaa ciidamo u dirayna, maxaynu gambadho uga tagnay ee aynu u tagnay tuko raq oo aynu ku dooranay magac keliya iyadoo Somaliland loo arko inay iyadu dhul boob wado oo go’doon lagaga dhigay Somaliland siyaasad ahaan iyo diblomaasi ahaanba, dad baa dhulka leh oo yoocada gaadhaya.”

Isagoo ka hadlaya xisbiyada wuxuu yidhi “Waxa la yidhi saddex xisbi ayaa jira, saddexdii xisbina reer bay ka soo jeedaan majooratigiina iyaga ah baa la yidhi. Turubkii lagu ciyaarayayba haddii la qaybsaday waxay dadka kale ugu soo dhiiranayaan waa dhibaato.”

Wuxuu Dr. Galaydh muujiyay sida uu uga warwarsanyahay in la fuliyo heshiiskii uu la galay Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo waxaanu yidhi “Hadda waxaan halkan ku hayaa heshiiskii aanu la qoranay madaxweynihii hore ee weliba xisbiga KULMIYE ahaa, bal yaa qaabilsan heshiiskaas madaxweynuhu galay? yaa loo raacayaa fulintiisii. Taayadu waabay yartahay ee shuruucda iyo distoorka lagu tunto yaa ka masuul ah, waxa laga ilaalinayo ee ugu weynina waa fulinta, anigu hadda hebel joogana ka hadli maayo.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this