Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo iyo weerar toos ah oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) –  Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qaraxyo oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday dhismo ay wada dagan yihiin wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo tan howlaha guud oo ku yaalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa goor dhow soo afjaray weerarkan, iyaga oo toogtay afar ka mid ahaa raggii soo qaaday.

Ugu yaraan 10 Qof ayaa ku dhintay weerarkani, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, ahaana xildhibaan ka tirsanaa BFS Saqar Ibraahim Cabdalla.

Agaasimaha guud ee wasaaradda howlaha guud Axmed Maxamed Iimaan oo kana mid ahaa xubnaha la soo badbaadiyay ayaa Shabelle uga warramay, sida ay wax u dhaceen.

Waxa uu sheegay agaasimuhu in dhammaan ay bad-qabaan shaqaalaha wasaaradaasi, marka laga reebo kuwo darbiyada ka booday oo dhaawacmay.

Sidoo kale waxa uu xusay in ragga weerarka soo qaaday ay wateen dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkani, sida ay ku baabiyeen barahooda Internet-ka.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanno ka tirsanaa kuwooda ay fuliyeen weerarkaasi, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay.

Xaaladd ayaaa haatan degan , waxaana goobta uu weerarku ka dhacay ku sugan ciidamada amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga agaasimaha wasaaradda howlaha guud.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/ok.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this