Deeq A. Posted March 23, 2019 Muqdisho (SMN) – Axmed Ciise Cawad wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa si deg-deg ah ugu yeeray safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland Faadumo Cabdullaahi Maxamuud. Wasiir cawad ayaa safiirka ku wargeliyey in muddo hal isbuuc gudaheed ay ku soo gasho magaalada Muqdisho. Qoraalkan laguma shaaacin u jeedada rasmiga ah ee loogu yeeray safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Balse tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli safiiraddu ay ka aamustay go’aankii Trump ee ahaa in ay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights ee dalka Siiriya. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites