Deeq A. Posted March 23, 2019 Muqdisho (SMN) – Howlgalka Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ay tababaro wax ku ool ah siiyeen Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Soomaaliya. Taliyaha AFRICOM ee Soomaaliya General Thomas Waldhauser oo dhawaan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa xusay in ciidamada Danab ay door weyn ku leeyihiin howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ugu tala galeen in ay qeyb weyn ka qaataan amniga dalka. Howlgalka AFRICOM ayaa sheegay in ay ballaarinayaan Ciidamada Danab oo ka qeyb qaata howlgallada qorsheysan ee uu Mareykanku ka fuliya Soomaaliya. Waxaana taliyuhu xusay in Ciidamada Kumaandooska ay gaarsiin doonaan 3,000 oo askari, kuwaas oo la geyn doono qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 500 oo askari, kuwaa oo howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka fuliya qaar ka mid ah gobollada dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites