Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay waddada isku xirta isgoysyadda Xoosh iyo Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo ahaa miino lala eegtay gaari Qooan ah oo la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaliya oo marayay halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxani ku dhintay labo askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo ka tirsan ciidamadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Boolis ah oo gurmad u fidinayay ciidamadaasi isla goobta lagula beegsaday qarax kale.

Waxaa na halkaasi ku dhintay illaa 2 Qof oo uu mid ka mid ah ahaa shacab, halka ay ku dhawaaceen 3 kale oo ahaa askar ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya.

Dhanaca kale weerar loo adeegsday qaraxyo miino ah ayaa ka kala dhacay waddada Warshadaha iyo Masaajidka Biimaalow ee degmadda Howlwadaag.

Qaraxa ka dhacay Warshadaha ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ku sugnaa xero ku taalla agagaarka xaruntii hore ee Eveco , waxaana ku dhaawacmay illaa 2 Askari.

Waxaa sidoo kale qaraxa ka dhacay agaaarka Masaajidka Biimaalow ku dhaawacmay illaa 3 ruux oo ku sugnaa Garaash lagu alxamo gawaarida.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxan oo miino ahaa la galiyay goob uu yaalo qashin fara badan.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga, basle Al Shabaab ayaa shegtay masuuliyadda qaraxyadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this