Sign in to follow this  
Deeq A.

Rwanda oo xukuntay rag ka tirsan Al Shabaab iyo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Rwanda  (SMN) – Maxkamadda sare ee dalka Rwanda ayaa maanta xukuno xabsi ah ku riday 13 ruux oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab iyo Daacish.

Sarkaal ka tirsan Rwanda ayaa sheegay in dadkaasi la horkeenay maxkamadda lagu kala xukumay xabsi u dhaxeeya toban illaa iyo shan sano.

Ciidamada Booliska ee dalkaasi ayaa sheegay in ragga xukunka lagu riday ay gudaha dalkaasi ka wadeen in dhalinyaro badan ay ku biirayaan Al Shabaab iyo Daacish.

Waxaana saddex ka mid ah tobankaasi ruux ay dhawaan ciidamada ammaanka ku soo qabteen howlgallo ballaaran oo ay ka fuliyeen gudaha dalkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegay in sidoo kale howlgalkaasi ay ku soo qabteen haween lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen qorshaha xagjireynta dhalinyarada.

Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in ay ka hortageyso qorshaha la doonayo in qaar ka mid ah dhalinyarada dalkaasi lagu biiriyo Al Shabaab iyo Daacish.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this