Deeq A. Posted March 23, 2019 Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii maanta ku dhintay weerarkii xooganaa ee maanta lagu qaaday dhismaha xarumaha wasaaradaha shaqada iyo howlaha guud ee magaalada Muqdisho. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkan ugu duceeyay in Alle uu Jannadii geeyo, eheledii iyo asaxaabtii ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii wasaarradda shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkaasi oo ku bilowday qaraxyo xoogan. Wasiirka koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Xarakada Al Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites