Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Muqdisho iyo Wasiir ku xigeen lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen xarunta wasaarada shaqada iyo shaqaalada ee dowlada Soomaaliya oo ku taalo isgooyska Jubba ee Muqdisho.

Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay allaha u naxariistee wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo shaqaalaha xukuumada Soomaaliya ahaana xildhibaankatirssanaa Baarlamaanka Saqar Ibraahim Cabdala.

Ciidamada amaanka ayaa toogtay 4 ruux oo weerarkaasi soo qaaday.

Wali laamaha amniga ma faah faahin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa maanta qaraxyo ku weeraray xarunta wasaarada shaqada iyo shaqaalaha iyaga oo sheegay in ay dileen masuuliyiin dowlada katirsan.

Puntland Post

The post Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Muqdisho iyo Wasiir ku xigeen lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this