Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarka maanta ay ku qaaday wasaarada shaqada iyo shaqaalaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-SHabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyo is xigxigay oo maanta barqadii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab waxay sheegtay in laba qarax ay labeegsatay ciidamada dowladda kadib ay ciidamadeedu ay xoog ku galeen dhismayaasha wasaaradaha shaqada shaqaalaha iyo Howllaha guud  oo kuyaal meel aan ka fogeyn isgoyska Jubba ee degmada Shagaani.

“Ciidamada Al-Shabaab ayaa howlgal ballaaran ka wada xarumaha wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Wasaaradda Howlaha Guud, howlgal aad u xooggan ayaana socda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay sidoo kale inay Qaraxa labaad la beegsadeyn ciidamo doonayey inay la dagaalamaan kooxdii Shabaabka aheyd ee gudaha u galay Xarunta Wasaaradaha.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa dhismayaasha wasaaradaha ee ay gudaha ugaleen ciidamada Al Shabaab.

Weeraradan ayaa ka socda goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo waxayna imaanayaan laba maalmood kadib markii ciidamada Dowladda ay sameeyeen gadoodka dhanka Mushaaraadka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this