Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ayaa loo fuliyey 5-tii qarax ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shan qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxyada koowaad iyo labaad ayaa lagu qaaday wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, oo ay galeen Al-Shabaab.

Qaraxa koowaad ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, taasi oo ku dhow isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halkaasi, rag hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta wasaaradda, halkaasi oo ay kula dagaalameen ciidamada amniga sugaya, oo uga dambeyn ka adkaaday kana saaray.

Daqiiqado kadib ayaa goobta waxaa ka dhacay qarax Labaad, waxaana qarxay sida la sheegay gaari ay kasoo degeen dableydii hubeysneyd ee gudaha u galay xarunta wasaaradda.

Qaraxa saddexaad ayaa ka dhacay agagaarka Masaajidka Biyamaalow oo ku yaal inta u dhaxeyso Isgoysyada Bakaaraha iyo Howl-Wadaag. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel Qashin ah, waxaana la sheegay inuu ahaa mid meesha lagu duugay.

Sida ay goobjoogayaal u sheegeyn Caasimadda Online qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 5 qof halka tiro intaas la eg ay ku dhaawacmeyn.

Dadka dhibaatada kasoo gaartay Qaraxaan ayaa la sheegay inay ahaayeen dad shacab ah oo halkaas ku sugayey Gawaraada Rayidka ee loo yaqaan BL, waxayna isugu jireen arday iyo dad kasoo dukaameystay Suuqa Bakaaraha.

Qarax afaraad oo ahaa miino, ayaa ka dhacay jidka Soddonka, waxaana ku geeriyooday askar ka tirsan Ciidanka dowladda.  Qaraxaan ayaa la geliyay goob ay fadhiistaan ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Booliska oo ku taalla warshaddaha gaar ahaan Eveco.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 2 Askari oo Ciidanka dowladda ka tirsan ay ku geeriyoodeen Qaraxaasi.

Qaraxa shanaad ayaa ka dhacaya Isgooyska Ex-Koontarool Afgooye, halkaasi oo gaari ay la socdeen dad rayid ah qaraxa lagu xiray.

Inta la xaqiijiyay 2 qof oo Rayid ah ayaa ku dhintay, halka Xildhibaan Salaad Sheekh Xuseen, oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle uu ku dhaawacmay qaraxa.

Gaari ay la socdeen ayaa la sheegay in uu qarxay, waxaana qof ka mid ah dadka ehelka la ah dadka ay waxyeellada soo gaartay xaqiijiyay dhimashada laba qof iyo dhaawac qof kale.

Jawiga Magaalada ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana xiran inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this